Agaasimaha Warfaafinta, wacyigeligelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland oo Badhan Gaaray (Sawiro)

Posted Date: 13 Jul 2016   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Agaasimaha Warfaafinta, wacyigeligelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta safar shaqo oo la xidhiidha u kuurgalka xaaladaha deegaanka gaar ahaan xaaladda nabad-gelyada guud ee gobolka ku tegey magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Agaasimaha waxaa duleedka degmbada Badhan kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Sanaag, kan Degmada Badhan, saraakiisha ciidanka Booliiska iyo Daraawiishta gobolks Sanaag iyo boqollaal dadweyne ah oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka.

Socdaalka agaasimaha ayaa sidoo kale daarran sidii looga hortegi lahaa khal-khalka siyaasadeed ee maamulka Soomaaliland uu ka wado gobolka Sanaag ee ay doonayaan in ay ka hirgeliyaan waxa ay ugu yeereen doorashooyina maamulkaasi.

Agaasimaha oo ku hadlaya afka dawladda Puntland ayaa uga digey Maamulka Somaliland in ay ka khal-khalkaasi siyaasadeed ee ay ka wadaan gobolka, haddii ay dhegaha ka furaystaan ayuu tilmaamay In ay dusha u ridan doonaan cawaaqib xumada ay kala kulmaan ficilladaasi daan-daansiga ah.

Sidoo kale Beesha Caalamka, ururka Jaamicadda Carabta iyo urur goboleed IGAD ayuu Agaasimugu ugu baaqay in ay isha ku hayaan khal-khalka nabad-gelya darro ee uu maamulka Somaliland ka wado gobolka Sanaag oo ah dhul looga bartay xasillooni iyo nabad-gelyo gaamurtey.

Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Agaasmiha waxa uu kulamo la qaadan doonaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Badhan ee Xarunta gobolka Sanaag qaybaha kala duwan ee Bulshada gobolka, maamulka gobolka, kan Degmada iyo laamaha ammaanka gobolka.13714423_1104903059574095_305276783_n

13662443_1104841689580232_1279803797_o

13663603_1104841786246889_1484189256_o

13681908_1104840902913644_1472008799_o

13681988_1104841382913596_984413149_o

13682358_1104903092907425_1964494973_o

13682494_1104841759580225_1807956453_o

13694113_1104841376246930_1646011864_o

13694128_1104903132907421_1831533343_o

13694307_1104840889580312_619371688_o

13699330_1104841802913554_2034245554_o

13702288_1104841416246926_185253783_o

13702487_1104794339584967_2069250553_o-1

13709520_1104841516246916_1177128612_o

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7